|
WUU II SOO ISLAAMAY!
Mr. Labac-labac
Qalanjo: Haloo,
aabe iska warran?
Aabe: Aluu! Nabad
Aabe sidee tihiin?
Qalanjo: Aabe waanu
fiicanahaye ka warran reerihii?
Aabe: Aabe dhib ma
jiro ee biilkii ma soo dirtay?
Qalanjo: Aabe
biilkii ha ii joogee warbaan kuu wadaa! Aabe Abshir dheh! Waxaa I
guursanaya wiil aad u wanaagsan oo hadda soo Muslimay!
Aabe: Aabe kuma
maqlayo, telefoonku wuu googo’ayaa! Ee maxaa Muslim ah?
Qalanjo: Aabe waa
wiilka aanu israbno ee waxaanu doonaynaa in aad wilaayadda ku soo
wareejiso inaadeerkey Ahmed
Aabe: Haa! Waan
gartay Aabe. Wiilku waa qoladee?
Qalanjo: Aabe waa
Madow!
Aabe: Yaahoo Madow
aa! Naa maxaad nagula hadlaysaa? Ma anagaad Afrikaan iyo Sawaaxili
noo keeneysaa waxyahay aan akhlaaqda lahayn!
Qalanjo: Aabe sug,
sug fadlan ha igu dhigin telefoonka! Khalad baad fahantaye, Aabe
ninku waa Mareykanka madow!
Aabe: Yaah Mareykan
aa! Waaba Khadar Illaahay keenaye. Aabe dee lacagta ka soo dhur
ninka sidee wax kaa yihiin! Aabe maad sidaa I tiraahdid. Waa yahay
Aabe waan soo wareejiyey wilaayadii, soona dir lacag fara badan oo
aanu aroos la yaqaano kaaga dhigno Soomaaliya, ma garatay. Waanu
idiin soo duceynaynaa, wax khayr qaba Illaahay ha idin kala siiyo,
balaayadana ha idinka xijaabo!
Waxay qoftaa dumar
ahi noqon kartaa mid ay kala tageen nin Soomaaliyeed carruurna leh
iyo mid curad ahba. Waxaa halkaa ka bilaabmaya isbarashadii wacnayd
ee dahsoonayd ee kala duwanaanshaha dhaqanka, fikradaha iyo hab
nololeedka. Ninkan oo markii horeba aysan Muslinimadiisu sii
buurnayn ee ay ka ahayd soo xera gelinta qoftan dumarka ah ee ay
niyadiisu jeclaatay ayaa la soo baxaya dabeecadihiisa rasmiga ah iyo
caadooyinkiisa dhaqameed. Waxaa dhacda in marar badan lays afgaran
waayo oo ereyada maldahan ee luqadu leedahay laysla fahmi waayo
amaba ay gabadhu taqaano fara ka hadalka oo keliya. Markii la damcay
in la weydiiyo sidii ay ruux aysan afgaranayn, dhaqan garanayn guri
ugu tegeyso ayaa waxaa hadalka soo af jaray maahmaahda oranaysa “
Shan faroodle isma afgaran waayo”.
Ninkii oo careysan
baa halkan ka qayliyey Hey, Pitch! Bring your black ass here! I
said, get in now woman! Pitch! Naagtii oo jahwareersan oo waxay
sheegto garan la’ baa ku qaylisay: “Hayaay, cod weynaa bismilaahiye,
balaaya ku qaaday waakan oo waa gediisii!
Alla ba’ayeey, waa
maxay imtixaankani! Hooyo muxuu leeyahay? Walaale muxuu leeyahay”.
Hooyo wuxuu ku leeyahay soo gal guriga! Kaalay sariirta!, Naa wuxuu
ku leeyahay wasakhyahay soo gal qolka!.
Waxay ka mid yihiin
dhibaatooyinka jira ee ay keeneen isdhexgalku iyo is afgaran waagu.
Waxaa dhacaysa in hooyo ay u turjumayaan carruurteedu ugana
turjumayaan nin aysan af aqoon oo ay tidhi wuu iqabaa ama gabadh
looga turjumayo nin ay keensatay! Waxaa anfariir iyo argagax ku
dhaca carruurtii ay naagtani wadatay. Intii ay arki lahaayeen
hooyadood oo la guhaadayo, la caayayo, la faraxumeynayo, la
daroogeynayo ama la garaacayo waxay ka doorbidaan in ay cararaan,
dawladu qaadato ama ay ehelo isu dhiibaan ka dibna waayaan
daryeelkii hooyanimo iyo aabanimo oo ay duurkooda galaan noqdaana
kuwo hadhow mujtamicii ku soo laba kacleeya oo waxyeelo iyo
dhibaatooyin u geysta. Ogow noloshu waa meerto isku noqnoqota! Wixii
maanta xumaada haddii aan hadda la toosin oo layska indho tiro ama
maxaa iga galay ay kugu dhaafto isbaaro ayaa ku sugaysa wakhti aan
fogeyn!
Waxaa la arkay
dhibaatooyin badan oo ay geesteen ajaanibkii gabdhahayagu ay raaceen:
Dilid joogta ah, Daroogo siin, Sharmuuteyn, Diin ka saarid!, Xardhid
iyo biro ka lulid meel walba (tattoo), Si kasta iyo meel kasta ka
isticmaalid! Hinaasid iyo maseyr iyo guhaad joogta ah, waalid iyo
qaraabo warkeeda daa! Telefoon sooma dhici karo! iwm.
Haddaba maxaa ku
kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa! Ma
diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma qalab weyn raadisbaa! Ma hab
casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab
raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska
caadiyoos baa!
Mr. Muslim
Hadal is
weydaarsigu waa intii sare oo kale iyo sida waalidku ugu farxayo in
ay gabadhooda siiyaan nin shisheeya ah. Haddii uu cadaan indha
buluugla ah yahayna warba kama taagna oo arooska kii Madoobaa loo
dhigay baa lasii laban laabayaa. Waxaa dhacdaba in aan aroosba loo
dhigin waayo ninkaaba la aroosayaa maadaama uu yahay nin haybad
fiican leh! Markaa arrintu waxay ku dhamaanaysaa iska xaluulo
gurigaaga ! iyo Naa iska aamus adigaaba nasiib leh oo helay nin
Cadaan ah oo Muslim ah!
Markii la gaaray
todobaad bixii oo ay gabdha badan oo wardoon ahi ay soo booqdeen
gabadhii aroosada ahayd ayaa mar keliya lagu dhawaaqay: “Alla
walaaley sidaanu anaguna ku helnaa ninkan oo kale oo sunadu ka
muuqato”. Waxay ugu jawaabtay: “ Gabdhow nin Soomaaliyeed ka raystay!
Waayo marka aad debecdid ee meel waliba huluuq, buluq, buluq ku soo
tiraahdo ayuu naag kale oo giigsan kaa raadsanayaa”. Waxay uga
sheekeysay gabdhihii kale in ninkan Cadi uusan indho aan iyada ahayn
uusan lahayn: markuu guriga ka baxayo iyo markuu soo gelayaba waa
Honey, Darling, Baby, Sugar. Haddaan debco iyo haddi kale waxaan u
ahay Guduudo Carwo!. Aroosadii baa gabdhihii martida ahaa tustay
liis dheer oo sugid ah (waiting list) oo ay ku qoran yihiin
magacyada gabdhaha raadinaya wiilasha Cadaanka ah ee soo Muslima,
waxayna u sheegtay in ay magacooda dabada ka raaciyaan!
Qosol iyo jaanta oo
rago ayaa xigtay, kadibna gabadhii aroosada ahayd ayaa garba eeg iyo
saacad eeg biloowday. Mar keliya ayaa sidii loo fadhiyey ay ku
dhawaaqday: “ Alla nabadeey walaalayaal, kala carara wiilkii baa
xiliyadan oo kale yimaada. Waa ajnabi oo kama helo buuqa badan,
markaa anigu ma rabo in uu arko wuxuu dhibsanayo. Welibana guri
hagaajis, uunsi iyo udgooneyn baa ii hadhay”. Gabdhihii baa yaabay
oo ku yidhi: “ oo kaalay, waa maxay! Gabadhu waaba tolowdaye! Naa
waa yahay hadhow baan ku soo wacaynaa”. Waxay u sheegtay in ninkeedu
dhibsado telefoonka badan ee soo dhacaya oo aysan doonayn in ay soo
wacaan.
Markii ay gabdhihii
dibada u baxeen ayay xan bilaabeen: “ Cajaaib! Naayaadheheen, maxaa
gabadha si ka ah? Mid kalaa qabsatay hadalkii oo tidhi: ‘ Gabdhow
waxba ma ogidiine I dhegeysta! Ummada Illaahay waa kala qolo-qolo
iyo kala dad. Intii isku degaan ahiba way is dabci, dhaqan iyo af
yaqaanaan. Waxaan idiin sheegayaa in ay gabadhani qaadatay dhaqankii
ninkeeda oo ay ka dhowrayso wixii uu dhibsanayo, kuna dedaalayso
sidii ay u raali gelin lahayd. Mid kalaa tidhi Bal eeg waa xaamilo
oo 9-keedii baa go’ay haddana har iyo habeen way shaqaynasaa waayo
ma oran karto ninkeeda biil u dir dadkeeyga waayo dhaqan uu
yaqaanaba maaha!. Ma soo warwareegi karto, telefoon cid uma diri
karto, qof ay qaraabo ama asxaab yihiin ma salaami karto, aroosyada
ma aadi karto si ay cadowgeeda u soo jebiso. Mid kalaa tidhi maxay
kuugu taalaa waataas oo carruurtaas cad-cad bay dhashaye!
Haddaba maxaa ku
kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa! Ma
diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma qalab weyn raadisbaa! Ma hab
casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab
raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska
caadiyoos baa!
Mr. Midgaan
Kulanka Midgaanka
iyo gabdhuhu wuu soo gaaban yahay oo dooda dheer ee xaga sare ku
taala ee bixinta gabadha laba gaari maayo inta badan. Waayo waxaaba
yar gabdhaha la sheekeysanaya amaba dariiq la maraya nin Midgaan ah.
Waxaa laga fogaanayaa 5 talaabo oo sidii in uu cadho qabo ama uu
yahay karantiil baa layska ilaalinayaa. Haddii ay dhacdo in guur
dhexmaro Gob isku sheega iyo dadka la dulmiyey waxaa lagu bilaabaa
cadaawad iyo faquuqid. Waxaa wiilka ama gabadha guursatay Midgaha
laga soo qaadaa qof xijaabtay oo waxaa loo dhigaa tacsi. Ilmahoodu
awoow, abti, eedo, habaryar, ilmaadeer iyo qaybaha kale oo qoysku ka
kooban yahay ma soo dhexgeli karaan. Hasa yeeshee marka uu Midgaanku
darajo, sharaf iyo lacag Eebe ku manaysto wax dhib ah looma arko oo
waa laga lufluftaa. Midgaan miskiin ah uun baa ba’ay!
Marar badan waxaa
dhacda in dhamaan dadka ka soo jeeda qowmiyada la takooro rag iyo
dumarba ay sheegtaan qolooyin kale si ay u helaan ictiraaf iyo in ay
bulshada dhex galaan.
Waxaa ka dhacday
Magaalada Minniapolis in gabadhi ay reerkooda aroos uga tumeen
Soomaaliya iyadoo looga hambalyeynayo guurka ay guursatay Nin
Mareykanka Madow ah. Muddo markii lays qabay ee laysu yeeshay ilmo
yar ayaa maalin gabadhu ku dheeraatay ku hadlida telefoonka. Saacado
badan ayay tororoklaynasay oo uu isna soo horfadhiyey. Markii danbe
ayuu inta uu is hayn waayey oo uu is iloobay waxaa uun ka soo
baxsatay: “ Yaakhey adiga Illaahay ka cabso oo telefoonka bes iska
dheh”!
Gabadhii baa af
labadeed yeedhay: “ Alla ileen wuxu Jareer buu ahaa! Waryaa Aabahaa
was Adoon yahow I fur! Alla ba’ayeey ma anigaa Jareer I qabi karaa!
Telefoon bay badda
de-deg u dul marisay oo la hadashay waalidkeed. Reerkoodii baa aad u
xanaaqay kuna yidhi la socodsii ehelkaaga iyo qabiilkaaga ku agjooga
deg-degna ha lagaaga furo! Xagee anaga iyo Jareer iska soo galnaa!
Waa maxay meeshu wadaada ma joogaan miyaa! Naa iska fur haddii kale
habaar baan kugu ogahay! Ma la Ba’ay!
Waxaa kaloo aad ka
akhrisan kartaa qisada caanka ah ee ku qoran buuga uu qoray Ahmed
Mohamed Diiriye ee lagu magacaabo “Ma abaal gudee Waan aar gudaa”!
ee lagu daabacay Qaahira 1997. Qisadu waxay ahayd sidan:
Oday Soomaali ah oo
ku noolaa Jarmalka ayaa guursaday gabadh Jarmal ah una dhashay
gabadh. Sanooyin kadib oo ay gabadhu qaangaadhay ayaa nin
Soomaaliyeed wadankii waxbarasho uga yimid. Wuxuu dhiganayey
jaamacad ku taala Magaalada uu joogay qurbaawigii hore. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa labadii nin wada kulmeen, mise saaxiibo hore
ayay ahaayeen. Waa layku soo booday, kadibna wuxuu keenay gurigiisii
oo reerkii oo dhan buu baray una sheegay in uu yahay saaxiibkiis ay
hore isu aqoon jireen.
Wuxuu wiilku iman
jiray xaafada marka uu fasaxa yahay oo soo bariidin jirey. Waxaa
dhacday in ay reerkii ka heleen wiilkii waayo wuxuu ahaa mid asluub
iyo akhlaaq badan quruxna Eebe siiyey. Gabadhii reerka ayaa wiilkii
iska caashaqday, kadib marka uu reerka yimaado ayaa waxaa la arkaa
aabihii oo wejiga u bedelaya wiilkii una careysan!.
Marka la weydiiyey
waxa iska bedelayna wuxuu hadalka ku jaraa waxba. Maalintii danbe
ayuu u adkeysan waayey gabadhiisa oo wiilka aad ugu sii dheereynasa,
markaasuu ku yidhi gabadhii: “ ka har wiilkan oo dib danbe ha ula
qoslin, ha ula socon, kugumana arki karo agtiisa”!. Reerkii baa
garan waayey meesha ciladu ka jirto. Waxaa loo sheegay in wiilkani
aad uu u akhlaaq wacan yahay ayna ku qanacsan yihiin in uu
gabadhooda la socdo. Mida kale ayay yiraahdeen waxaad wada tihiin
isku dad iyo isku jinsi oo horena waabad isku taqaaneen! Maxaa ku
haya? Bal wuxuun noo sheeg!
Aabihii baa afka
furtay oo iska ooyey: “ Naa ninku waa Midgaan, Waa Midgaan! Waa
nasab dhiman! Isma guursano! Ma geeyo hablahayaga!. Gabadhiisii iyo
Xaaskiisii baa Illaahay yaab u keenay waxayna fahmi waayeen waxan uu
ka hadlayo. Waxaa soo shiray haweentiisa reerkoodii bal si ay u
ogaadaan, una xaliyaan mucjisadan aysan weligood arag. Waxaa Aabihii
la xasuusiyey in uu caqli yar yahay oo uu qabo naag ka dhalatay
qowmiyada Jarmalka oo dadka madowba u taqaana Daanyeero! Waxaa la
xasuusiyey in ay u hayaan ixtiraam oo ay tixgeliyeen jacaylka
walaashood markii ay isaga guursanaysay! Waxaa loo sheegay in
wiilkan ay isku jinsi, diin iyo dalba yihiin! Waxaa lagu soo afjaray
gabadhaada haddii ay jeclaatay ninka ha ka hor istaagin sidii aanu
anaguba aanan kuugu diidin walaasheen!. Aabihii oo aad moodid in
geeriyi ku timid ayaa meeshii looga dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya: “
Ma fahmaysaan waxa I gubaya! Bal Midgaan ha kula xidido oo
gabadhaada ha guursado!
Haddaba maxaa ku
kelifay Ajiga dhibaateynta walaalahood?
Ma jinsi kalaa! Ma
diintaa faraysa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf baa! Ma
quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan
raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa! Ma jaahilnimaa!
Mr. Soomaali
Hadalkii bay
gabdhihii sii wateen iyagoo wadooyinka waaweyn marba gees u goynaya
qayladoodana laga maqlayo futa biciid! -- Qayla iyo bulaan dheeraa
Yaahoo!. Mid baa lahayd dumaroow waxaan filayaa in ay khaldan tahay
sida aanu ula dhaqano ragga Soomaaliyeed oo haddii aanu sida
gabadhaas oo kale aanu ha dhicin ha jabin aanu odhan lahayn in ay
nacnac ahaan lahaayeen. Laakiin Subxaanalaahiye maxaynu ku sameynaa:
Carruuta garaac si
aad u daandaansatid, markuu kula hadlana kasha xawaashka soo qaado
oo kuleetiga ku dheg adigoo firimbiga ka ci’ dheerna dhowr goor ku
celceli warqadii dhig! Madaxayga dhig! I fur right now!. Haddii uu
kaa aamuso oo uu far kuu qaadi waayana sii wad bulaanka, dagaalka
ilaa derisku maqlaan oo ay u yeedhaan booliska ama uu xanaaqo oo
gacani kaa soo gaadho ka dibna waa la yaqaan 3-dii xaraf-- 911! iyo
catowga: Ma nin baa la waayey! Yaa raba belaayadan qombobsan ee
caloosha dheer oo weyda ah! Waxaa la helayaa mid maroodiya oo kor
iyo hoosba ka weyn! Foori waryaa!
Mid kalaa gabadhii
hadalkii ka boobtay oo tidhi: “ Naa hooy cagta dhig! Nin
Soomaaliyeed waa la yaqaan oo intuu booyaaso kaa dhigto, sanad
walbana mijini gashay mijini baxday uu kaa dhigo buu hadhowna mid
kale kaa raacayaa. Hala ogaado in dhaqaalaha laga curyaamiyo oo
hogaanka loo hayo si uusan u qooqinba. Anigu kolay naag baan ahaye
ninkaygu xataa kor iima soo eegi karo oo tababar fiican buu qabaa:
Habeenkii markay tahay saqda dhexe baan aroos iyo Baadhi(Party)
aadaa oo marka uu waagu walalac yiraahdo baan ka soo noqdaa iyadoo
cashadeydii iyo cabitaankii isu kay dulsaaran yihiin. Isagaa
carruuta haya, u qubeeya, Xafaayada ama Dheebarka(Diaper) ka
nadiifiya, cuntada kariya. Nin Soomaaliyeed waa sidaas mudankiisu!
Waa in uusan hawoon oo sidaa xiniinyaha loo hayaa!
Gabadh ka mid ahayd
gabdhaha oo dhaqan wanaag ka muuqday ayaa u jawaabtay oo tidhi:
Walaashey soo dhowoow, war lagu sii. Horta ogow ninka alaabtiisa
uurka hooyadiis buu kala soo dhacay ee adigu umaadan samayn. Ta
kale, maxaad uga cararaysaa oo aad u khilaafaysaa kitaabkaaga
sharafta leh ee aad fikrado kale oo dadka amraya in ay naag keliya
guursadaan aad ugu riyaaqaysaa. Kutub Eebe soo dejiyey oo dhigaya
ragow naag keliya ku ekaada ma jiro sow ma ogidiin! Dadyowga aad
fikirkaa ka qaadateen waxay leeyihiin naag keliya iyo 100 naagood oo
saaxiibo ah markaa ma waxaad leedahay ninyahow saaxiibo badan yeelo
oo keligay I qab!. Mase ogtahay in dumarka qurbaha joogaa ay naftii
ka baxday oo buufis, kaadi macaan, kaadi sokorow, murqo iyo lafo
xanuun laga saari waayey! Wallaahay waa runtaa walaaley bay hal mar
wada yiraahdeen!
Haddaba waxaan
idiin sheegayaa bay tidhi sirta nolosha ee dhegta ii soo dhoweeya:
“Ogow gabadh kale oo walaalshaa ah oo aad isfahmaysaan hadday wax
kula qaybsato oo aad isku meel degtaan in aad raaxo iyo nolol
wanaagsan ku noolaanaysaan”!. Ilmo wada korsi, wada xoogsasho,
Buufis iyo cudur la’aan, soo warwareeg iyo dalxiis badan, dhaqaale
iyo lacag urursi fiican! Maxaad ka weydeen oon raaxo ahayn!. Mar
keliya ayay cirkaa ka dhawaaqeen: “ Alla ku hooji! Bal eeg waxay
nagula talinayso! Allow ha I joojin dhacdadaas oo kale saa madaxaaba
iskay daba mari lahaaye.
Gabadhii baa
hadalkeeda sii wadatay oo xasuusisay kuwii kale in ragga
Soomaaliyeed yihiin ragga keliya ee dunidan ku nool ee ay naaguhu
guhaadiyaan(abuse) oo sidey doonaan ka yeelaan marka laga reebo
Ragga reer guuraaga iyo Geeljiraha Soomaaliyeed oo iyagu adadeyga,
garaaca, iyo ku shaqaynta dumarka u arka raganimo! Dumarka reer
guuraagu iih iyo aah midna ma leh: way kariyaan, koriyaan, dhisaan,
raraan, xoolaha raacaan inta qowsaarkii qabay uu tuulooyinka qaad la
fadhiyo ama uu harqoodaalka jiifo! Kaasi waa nin la mood, kuwa la
nooc ahna qurbaha waa laga helaa. Laakiin guud ahaan nimanka
Soomaaliyeed xajista yaan laydinka fahmine ayay ku soo gabagabeysay.
Meel dhexe markii
la marayo oo loo dhow yahay xaafadii la deganaa ayaa waxaa ku soo
lug darsatay naag Cadaan ah. Kadib markii lays bariidiyey ayay
naagtii cadeyd weydiisay in ay shaqo ka yimaadeen. Waxay gabdhihii
ugu jawaabeen in ay maanta fasax yihiin, qaarna ay saaka soo
shaqeeyeen. Waa laysa sii wareystay oo dhaqanka Soomaaliga laga
sheekeystay. Waxay u sheegeen in aysan dumarku badanaa aysan shaqayn
oo raggu ay soo shaqeeyaan-- kirada, cuntada, biilka reeraha
wadankii jooga, dahabka iyo aradka iyo wax ka sii badanba ay ragga
dushiis tahay. Naagtii baa hadli kari weyday yaab dartii markaasay
weydiisay in ay daacad ugu waramaan oo ay joojiyaan kaftanka. Kadib
markii lays dhaarsaday ayaa wuxuu noqday hadalkii ka soo yeedhay: “
Alla maxaan nin Soomaaliyeed u guursan waayey!” Gabdhihii baa qosol
gariir ku dhuftay Ihiiii, IhiiIhiii!!!
Haddaba maxaa ku
kelifay dumarka Soomaaliyeed dhibaateynta ragooda? Ma rag
Soomaliyeed nacaybaa! Ma jinsi kale jacayl baa! Ma xoola raadisbaa!
Ma diin nacayb baa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf baa!
Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan
raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa!
CAJABAYEEY YAA SOOMAALI U CIIDAMIYA!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
|