|
SOMAALIYEY, MIDGAAN MAGTIISU WAA MEEQA?
Boqorka Gobolada Waqooyi Galbeed ee Gabooyaha ayaa
dhiigii ku karay. Boqor Ahmed Warsame wuxuu arkay
wuxuu qaadan waayey, wuxuu la ooyey Kahadar Dhabar oo
dunida hiila ku waayey, waxaa uga sii daran Khadar oo
iilkana hiila ku waayey, dadow sow qofkii qof dila in la
dilo ama diyo la qaato maaha, sow arrinku uma taalo
dhibanaha qoyskiisii, sow sharcigan baasi Ajigu ma
sameysan, sow dhanka Midgaanka la jiifiyaa banaan kama
aha, sow Ceerigaabo iyo Booramaba Ajigii lagu dilay
looma aarin, sow hadh cad tiirka lama taagin, sow lama
diidin diyo iyo maslaxo, sow sharciga Somaliland baa
sidaa dhigaya maaha, sow maantana lama xukmin si kale,
sow Ajiga dhiigiisu 2 goor kama qaalisana kan Midgaanka,
sow magtii Khadar ma noqon 5 sano, sow dharbaaxo
quudheed wajhada noogama dhicin, sow kuwii qaylin jiriey
ashuunka kuma adimaan, sow Caabigii Ingiiska dantiisa ma
raacin, sow kuwii wax qori jirey qalinkoodu ma engegin,
sow kaa cudu weyni iyo kaa hub weyni xaalku maaha, sow
nin Eebahay tala saartay iyo nin Sheydaan tala saartay
ma kala sad roona!
Xaakimkii diraca gashanaa baa af labadii yeedhay:
Waar heedhe heedhe Gabooyow, waar heedhe aniga may garan?
War heedhe goormaad hadalna baratay? Waar heedhe
goormaad igu dhiiratay? Waar heedhe goormaad wax isbiday?
Waar heedhe goormaad kor iisoo eegtay? Waar heedhe
goormaad ila sinji noqotay? Waar heedhe goormaad dunida
baratay? Waar heedhe goormaad xorowday? Waar heedhe
goormaad gooni isu taagtay? Waar heedhe goormaad Bini
Haashim ka xorowday? Waar heedhe goormaad nin raga
noqotay? Waar heedhe goormaad abaanimo ka baxaday? Waar
heedhe goormaad kabahii ka tagaya? Waar heedhe goormaad
gamuunkii iska daysay? Waar heedhe ba’naye goormay
dunidu sidan isu bedeshay!
Qareenkii Askariga ayaa u baxay:
Xaakimow, Mudanow I dhegeyso, miyaadan maqal murtida,
miyaadan ogeyn cimri dheeri inaan ka baqo, miyaadan
ogeyn inay waxwalba kusoo marayaan, miyaag la yaaban
tahay inay tanina noo danbeysay, miyaadan ogeyn in
qiyaama la joogo, miyaadan xusuusan xadiiskii Suubanaha,
miyaadan garaneyn calaamaha qiyaamaha, miyuusan
kabooluhu wax xukumi doonin, miyuusan jaahilku wax
xukumi doonin, miyuusan kii hooseeyey sare soo mari
doonin, maxaad mudanow ula yaabi Midgaanka, maxaad ula
yaabi inuu xuquuq raadiyo, maxaad ula yaabi inuu isku
kaaya dhereriyo, maxaad ula yaabi inuu sharciga
quudhsado, maxaad ula yaabi inuu xukunka 5-ta sano ka
qayliyo, maxaadse adigu nin Duriyadii ah 5 sano ugu
xukuntay, miyaadan diinta iyo axkaamta garaneyn,
miyaadan aayada Midgaha ka sheekeysa garaneyn, miyaadan
ogeyn in ay yihiin kuwa aanu leenahay, miyaadan garaneyn
“wa maa malakat eymaanukum”, sow duulku
xoolaheenoo kale maaha, sow waxaanu milki u leenahay
maaha, sow in la xoreeyo mooyee sidii la rabo looma geli
karo, sow inaad Askariga dalacsiisid maaheyn, sow inaad
argagixisada jeelka dhigtid maaheyn, sow inaad
qabaanimadoodii iyo Reerahay ku lamaansanaayeen
tusaaleysid maaheyn, sow adigu wixii aanu dhaqan u
lahayn maadan garab marin, sow dhaladkii 5 sano kuma
xukumin, sow jinni ninkii keenaa bixiyee, Xaakimow
yeelkadaa arrinku maaha!
Qoraalan oo cod laga soo qabtay BBC ah ka dhegeyso
Shabakada Dulmane.com
http://dulmane.com/suganta/codka/gaboye.ram
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Figrada waxaa iska leh
qoraaga warqadan
|