SAYIDKEYGII
JOHN, CHARLES IYO VALADMIR BAA IGULA SOO DARDAARMAY!!!!!!
Waxaa
dhalinyaro badani hor dhoobnaayeen Wasaaradii Tacliinta
ee Dawladii Kacaanka ahayd ee galbatay. Waxaa la
akhriyayaa deeq waxbarasho oo arday Soomaaliyeed ay wax
ka soo baran doonaan dalal ka mid ah Shuucigii Bari iyo
kuwa ka mid ah Rer Galbeedka.Waxaa halkaa ka qudbeeyey
nin madax hoosaad ka ahaa Wasaarada una sheegay in
Imtixaanka la qaadi doono lagu soo xayeeysiin doono
wargeyska Xiddigta Oktoobar oo ahaa wargeyska keliya ee
wadanka ka jirey kuna hadli jirey afka Dawlada. Ardayda
ugu buunda sareysa ayaa soo baran doonta qaybaha kala
duwan ee Basaasida, Baarida denbiyada, tababarka
Booliska iyo Militeriga, Horumarinta Waxbarashada,
Beeraha iyo Shuuciyada. Markay soo noqdaana waxay noqon
doonaan madax sare oo tababarta una gudbisa cilmigii ay
soo barteen wadanka intiisa kale.
Mudda
ka dib ayaa isla Wargeyskii lagu soo qoray in ay
ardaydii ku baastay imtixaankii aadka u adkaa loo
sameynayo xaflad oo ay u ambabixi doonaan dibada si ay
wax u soo bartaan. Ummadii oo dhan baa yaabtay: Goormaa
imtixaankii la qaaday? Iskooladee ka qayb galay? Maxaa
loosoo daabici waayey ardayda ku baastay magacyadooda
aanu soo niraahno Augurio?. Nin meesha taagnaa baa
ardaydii isweydiineysay su’aalahaa soo jaleecay isagoo
war doon ah. Waxaa loogu jawaabay saaxiib Ma oran! Ma
maqal! Ma arag! Ma urin! Ma aqaan!
Akhristayaal
dawladu dad dibada u dirtaye, yay dirsatay? Waxay
Soomaalidu dirsatay oo lacagtii canshuurta ahayd ee
dadweynaha lagu quudinayey dad markii ay soo noqdeen na
baday hoog iyo halaag aan la hilmaami Karin. Waxaa
dibada loo diray dad muuqaalka qof weyn uga eg
maskaxdana ka ah denbi laawe saqiir ah. Qofkan weyn ee
haddana ah “carruur caga weyn” ayaa maskaxdiisu ay
tahay sida sanduuqa oo kale waayo wixii lagu shubtaaba
waxaa loogu imanayaa iyagoon waxba laga bedelin oo
sidoodii ah. Fikir
shakhsiyadeed, maxay ku dhacday iyo maxaan anigu ahay
intaba maankiisu ma suureysan karo. Laakiin maxaa lagu
soo naasnuujiyey oo ay maskaxdiisu dib u soo sawirtaa:
Sayidkeygii aan jeclaa ee wax isoo baray John, Charles,
Valadmir iyo Guzman waxay yiraahdeen….
Ardeydii
ku baastay darjada sare ee aanu dibada u dirsanay
Soomaaliyana matelayey ayaa hiraaboodkii soo fariistay
kuraasta Jaamacadihii ay aadeen si ay u bilaabaan
waxbarashadoodii. Macallinkii Ruushka, Ingriiska,
Mareykanka ahaa ayaa qola walba meeshay joogeen u soo
galay si uu waajibaadkiisa waxbarasho u guto. Ardaydii
buu salaamay oo u sheegay in aysan 6 bilood ka badaneyn
barashada luqadu kadibna ay dhexgeli doonaan
tababarkooda. Waxaa markiiba inuu miir doorsoomo ku
dhowaaday macallimiintii wax u dhigaysey ardaydeenii
mataleysay Qarnkii Soomaaliyeed. Waxaa la yaab ku
noqotay Macallimiintii iyo Maamulayaashii Machadyada
kala duwanaa in Qaran dhan oo Soomaaliya la yiraahdo ay
ardaydooda ugu heerka sareysay ee ay dibada u soo diraan
ay noqdeen kuwa aan waxna qorin, waxna akhrin! Waxay
garan waayeen meel ay wax uga bilaabaan: Sidee qof aan
afkiisa qori Karin uu ku baran karaa Warisgaarsiin iyo
Babaasnimo ama Baarida iyo war ka keenida qof maxbuus ah
oo la tuhunsanyahay in uu denbi galay! Ama kaba darane
sidee buu ku baran karaa cilmiyada Beeraha iyo
Horumarinta Waxbarashada iwm. Haddaba maxay ahaayeen
qoladani, beerka lagu dhufay? Maxaase la soo baray?
Waxaan
ka mid ahaa 10-kii dhalinyaro ee ugu soo horeysay ee
qaxootinimo ku timid Gobolkan Minnesota kana soo dhergay
takoor iyo quudhsi. Waxaanu dhex seexan jirnay warshada
digaaga aanu ka shaqayn jirnay, kana qubeysan jirnay
waayo guryihii baa nalaga kireyn waayey. Markaanu
qadhmuunka warshada iyo dacaayada dadkaanu la shaqayno
aanu u adkeysan weynay ayaanu go’aan ku gaadhnay in
aanu gawaadida dhex seexano. Waxaa walwal weyn nagu
hayey qaboow iyo baraf baas oo laga sheekeynayo, kadibna
waxaanu go’aansanay in aanu ka faaiideysano maalma
fasax ahaa oo aanu magaalada weyn ee la sheegayo soo
eegno. Anagoo habqan ah oo iska bulaamana, marba
wadooyinka magaalada dhinac u raacayna ayaa qol yar oo
ka waardiyaha oo kale ah laga dhex qayliyey: “Waryaa,
ma Soomaali baad tihiin! Bismillaahi weligey ma arag
intaasoo Soomaali ah oo isla socota”. Mar keliya
anagoon xataa wadada iska eegin ayaanu sidii adhi weer
ku dhex dhacay xagii laga qaylinayey ku yaacnay! Alla
walaale haa Soomaali baanu nahay! Alla nasiibkayaga!
Alla farxad weynaa!. Wuxuu ahaa Cabdi Wagad oo ilaa 10
sano naga soo horeeyey ahaana nin aad u wacnaa oo nala
raadiyey guriyeyn iyo shaqo. Jaarkiisii baanu noqonay,
Meesha gawaadhida la dhigto (Parking) oo uu ka
shaqaynayey buu naga shaqaalaysiiyey. Alla maxaa ku
nasiib ah!.
Cabdi
Wagad wuxuu ahaa nin waaya hore dugsiyadii Talyaaniga ee
Xamar wax kusoo bartay. Wuxuu ahaa nin waxa Soomaaliya
ka socda, oo ay ahayd xilligii ugu darnaa ee umula dooxa
iyo qabyaalada ay Soomaalidu la wareegayso, aanba war u
hayn. Anagu waxaanu isugu jirnay dhamaan qabiilada
Soomaalidu ay ka kooban tahay kuwaasoo isku qalaya
waddankii. Waxaa magaalada la joogay Cabdi Wagad ilaa 7
dhalinyara ah oo ay isku wakhti ahaayeen ama isu
dhowaayeen oo ama dawladii soo diratay ama dadkoodu
waxbarasho u soo diray.
Waa
sanadkii 1992, waxaa bilawday sahankii ay Soomaalidu
caanka ku ahayd. Telefoonkayaga meel laga helay garan
mayno, laakiinse muusan kala joogsan jirin: Walaalow
waxaan joogaa Gegida Diyaaradaha, Basaska, waan soo
socdaaye ii diyaar garooba!. Waxaanu go’aan ku gaarnay
in dhibkii nasoo maray uusan qof Soomaali ah uusan dib u
taaban. Waxaan dadka iska soo daba dhacayey ka caawin
jirnay shaqooyinka, guriyeynta, turjumaada iyadoon
Jaaliyadaha faraha badan ee sanooyin danbe noo yimid
aysan joogin laakiin ay maanta sheegtaan in ay iyagu
dadka wax u tareen. Waa Soomaali iyo Caadadeed in aysan
karaameyn ama aysan hormoodkooda iyo halyeeyadoodii hore
aysan waxba u qirin waxna u quurin!
Waxaa
jiray nin keliya oo Jaamacada Minnesota dhigan jirey
wuxuuna aad noogu guubaabiyey in aanan noqon dadkii
lasoo dirsaday ee gees maray ujeedadii loosoo diray,
dadkoodiina lacagtii ka dhameeyey. Wuxuu nagu waaniyey
Muxiyadiin in aanu waxbarano oo
aanu ka faaiideysano fursada aanu helnay taasoo
wadankii dadka waxbartay lala gees mari jirey iyadoo
lasoo dirayo reermiyi aan waxba akhrin Karin waxna qori
Karin! Doodan ayaana na dhexmartay.
Alidheere:
Maxaad ugu sheegi wayday in asxaabtaada kale ay wax
bartaan?
Muhiyadiin:
Saaxiib waan ka daalay
Cali-baashi: Xilligan Muxiiyadiinow ma anagaaba xataa afka naqaana?
Muhiyadiin: Waxaan idiin sheegayaa meel aad afka ka barataan ee diyaar ma tihiin
Eelay:
Saaxiibow waad mahadsan tahay laakiinse maatadii ayaa
meel walba daadsan oo qaxooti ah markaa sidee baanu wax
u baran karnaa?
Muhiyadiin: Eebe ayaa quudin kara dadka ee la soco! Mida kale miyaadan gelina
shaqaysan Karin, gelina wax baran Karin
Daahir
Weyne: Laba shaqo ka yar nama anfacasee ka warran?
Muhiyadiin: Saaxiibayaal waxaad is arki doontaan idinkoo 10 sano kadib weli laba
shaqo ka shaqeeya dadkiina aydan dherjin ee qorshe
samaysta.
Abdalle:
War nimanyahow ninkan waa nala taliyee aanu taladiisa
raacno
Eelay:
Heey! Cabdalle waa gartaa oo dadkaaga oo dhan baa jooga!
Abooto, ayeeyo, macooyo!
Alidheere:
Heey wakhtigii waa lagaaray nasoo wada! Bugta yaysan
dhicin!
Muhiyadiin: Haddii aad ii baahataan sabti iyo Axada iigu kaalaya Matxafka
Jaamacadda
Kuligeen:
Nabadeey saaxiib
Usbuucii
ku xigay ayaan meel aan aado intaan garan waayey baan
Muxiyadiin ka raadiyey Matxafkii Jaamacada. Mise waa
dhex yuururaa! Salaan ka dib wuxuu ii bilaabay sheeko
dheer oo aan weligay hilmaamayn, wuxuuna ku bilaabay
sidan:
Eelaayow
dhibaatada ugu badan ee nahaysata tii Eebe ka sokow waa
aasaaskii oo laga tegey, waxaanan ka baqayaa in haddii
wadankeenii uu mar uun mustaqbalka dego in ay dhibaatada
aan ka baqayaa dib noogu soo noqoto!.
Waxaa
la soo diri jiray Arday Soomaaliyeed oo ay soo dirsan
jireen dad Madax ah oo soo boobay hantidii qaranka ama
dad xoola leh oo fara ku tiris ahaa. Carruutoodii oo aan
aasaas waxbarsho fiican lahayn ayaa markii ay yimaadeen
dhulkan la qabsan waayey waxa laga hadlayo. Waxaa bil
walba loosoo diraa masruuf laba jibaar kabadan,
markaasay bilaabeen mukhaadaraad iyo ciyaalsuuqnimo.
Waalidkood ma oga in ay meelahaas dhacdhacaan oo waxay
ugu sheekeeyaan Jaamacaddii waan dhamayn rabaa ee
lacagta soo badi. Maantana indhihiina ayaad ku aragtaan
idinkoo qaxooti ah in aysan waxbadan idin dhaamin!
Eelaayow
kuwaa waxaa ka siidaran kuwa Dawladii Kacaanku soo
diratay oo Hantidii Qaranka iyo Canshuurtii
Hooyooyinkeen lagu soo masruufayey. Waxay ahayd in
imtixaan la qaado oo ardayda ugu buunda sareysa dawladu
soo dirto. Mase dhicine, ninkasta oo Wasiir ahaa ama
Madax ahaa Inaadeerkiis oo aan weligiis iskool soo marin
aqoona sida wax loo akhriyo buu soo diray. Waxaa la soo
diray kuwo dhega xiran oo sida haanta oo kale wixii lagu
shubo sidooda u haynaya, wixii la amrana sideeda u
fulinaya. Waa qolo aan isweydiin Karin “ Waayo”?
Markaasna! Ayaan ku idhi.
Markaasna
waad aragtaa ayuu yidhi waxa dhacay! Macallimiintii
ajnabiga ahaa markii ay fahmi waayeen oo ay arkeen in ay
Soomaaliya Xoolo soo dirsatay ayay dhinac iska dhigeen
duruustii ay siin lahaayeen, waxayna bareen casharo aan
u baahnayn hadal iyo aqoon ee u baahan fara ka hadal:
sida dadka korontada loogu dhejiyo, sida loo garaaco,
sida loo ciqaabo, sida argagax dadka loogu rido, sida
loo kufsado, sida miig loogu xiro, sida loo toogto, sida
loo faafiyo anshax xumada, sida loo ceebeeyo dadka, sida
dadka laysaga horkeeno, sida mukhaadaraadka loo
isticmaalo sida haddii war lagaa waayo dadkaaga laguugu
hor dilo, sida gabdhahaaga iyo haweenkaaga laguugu hor
kufsado haddaad hadli waydo, iwm.
Intaa
marka ay khabiir ku noqdeen dadkan la soo marin
habaabiyey ayaa loo shegaa in ay ku qalin jabiyeen
daraja sare lana siiyaa shahaado amaan ah oo ka
sheekeyneysa wixii la soo baray wax aan ahayn. Tusaale
ahaan waxaa lagu soo qoraa wuxuu ka soo qalinjebiyey
basaasnimo iyo telefoon talaalid iyo dhegeysasho,
xaqiiqduse waa in la soo baray sidii uu dadkiisa u
halaajin lahaa. Wuxuu ku soo noqdaa wadankii hooyo
isagoo aad ula dhacsan wixii uu soo baray Sayidkiisiii
uusan hadalka ku celin keri jirin.
Iyagoo
isgodaya ayaa si heer qaran ah loogu soo dhoweeyaa
Soomaaliya, darajooyin sare iyo xilal sarena loo dhiibaa.
Ka dibna muxuu barayaa dadka uu tababarka u furayo ama
dadka uu xukumo? Yaase isaga imtixaan ka qaaday bal inuu
wax soo bartay iyo in kale?
Taliyahan
baasi isaga oo sidii uu garbaha iyo faraha u qalqaloocin
jiray Sayidkiisii wax soo baray u qalqaloocinaya ayuu ku
amraa askar, boolis ama dharcad ka sii jaahilsan oo aan
hadal ku soo celinayn in la garaaco oo koronto lagu
dhejiyo, la kufsado, la toogto dad aan denbi gelin oo
masaakiin ah ama kuwo denbi galay oo uu baahan in si
biniaadinima ah loo xanaaneeyo inta sharciga lala
tiigsanayo!
Maanta
oo la joogo xilligii uu Muxiyadiin ka cabsi qabay in ay
arrintaasi soo laba kaclayso ayaan aniguna ka baqayaa in
Mooryaan, Jirri, Dagaal Ooge Dhiigyacab ah laga dhigo
Ciidamada Xooga Dalka, kuwa booliska iyo kuwa Nabad
Sugida. Waxaa dunida kale Ciidan ama Sirdoon u ah dad
wax bartay oo ugu yaraan ilaa Dugsi Sare ka soo baxay
haddii aysan ka sii badsan. Waxaa ay dadkani ka dhisan
yihiin cilmi diin iyo mid adduunba si ay u kala gartaan
waxa san iyo waxa xun. Waxaa ay soo maraan imtixaan aad
u adag oo aan aniguba soo arkay. Haddii ay ku dhaqaaqaan
wax xun sida mararka qaar dhacda waxaa u geeya
cunsuriyad, nacayb iyo ula kac iyagoo weliba og waxa ay
sameynayaa in ay ku khaldan yihiin haddii lagu ogaadana
laga abaalmarin doono.
Waxaan
kula dardaarmayaa dhalinta Soomaaliyeed ee wax baratay
in ay ka qayb qaataan dib u dhiska wadanka oo aan looga
dheereyn jagooyinka oo dhan iyo Ciidamadaba. Haddii kale
waxaa na xukumi doona kuwa jaahil ah oo aan naxariis
lahayn, biniaadamna ahayn oo ku leh waxaan ka soo baxay
Jaamacadii John, Charles, Valadmir iyo Guzman cid kale
warkeedana ma rabo. Waxaa na xukumi doona nin nala jinsi
ah laakiin aan nala caqiido, wadaniyad, iyo fikir midna
ahayn nooguna soo geli doona guryaheena, Masaajidada,
iskoolada iyo makhaayadaha iyagoon waxna na weydiin nagu
bilaabaya qoobab, suxulo, jilbo iyo madax ka garaac aad
u daran. Haddii dhallinta waxbaratay aysan meelna ka
qayb gelin waxaa soo baxaysa in Aw Dhoore oo dhami uu
madax noqdo ka dibna lala diriri doono cilmiga iyo
qofkii wax garad ah oo is yiraahda ka hadal darxumada
iyo dhibaatada. Markaa xagee lala qabanayaa cilmiga iyo
waxbarashada? Sow dibada u carar maaha? Sow xabsi gal
maaha ama Sow Nacamlee maaha?
Dhalinyaro,
yeeynaan ka xishoon qabashada xil aan noo qalmin!
Yeynaan oran Injineer baan ahay oo askari noqon mayo ama
Dr. baan ahay oo daraja hoose ma rabo. Dhalinyaro ogow
in xilkasta oo aad qabataa ay tusaale wacan u noqonayso
jiilka soo socda oo kugu dayanaya. Dhalinyaro haddii
adigii wax bartay aad ka carartay qabashada xilalkaa sow
mid aan kuu turayn oo ku afgaranayn maadan siin boos.
Dhalinyaro iska ilow madaxdu diin ma leh, wadaado maaha,
gar maleh, waxba lama qaybsan karno oo qaabkaan u ekahay
baa laydiidayaa in aan jaqo qabto. Dhalinyaro, qaabkaaga
ilow, wixii basiid ah ka tag oo u gunto badbaadada
ummadeena. Dhalinyaro aynu u horseedno dadkayaga iyo
dalkayaga masiir wanaagsan kana qayb qaadano camirida
iyo buuxinta jagooyinka na sugaya inta aysan noqon Ciyow
Waa ka Baryey oo aysan hadhow na qabsan calaacalkii
Abwaankii ka muraara dilaacsanaa sida ay wax u dhacayeen
ee markaa yidhi:
MA
OGTAHAY ASKARI JAAHILAAN AMAR KA QAATAAYE!!!!!!!
C/Rahman
Eelay eediran@yahoo.com
|