Xildhibaan Cali Baashe Oo Hadal Uu Saxaafadda Ka
Sheegay Bulshada Magaalada Laascaanood Qaybo Ka Mid Ah Ka
Cadhaysiiyey(Mid-gahaa Dhulbahante Kaga Qiimo Badan Dawladda).
Warkii: Apr 09, 2005
Laascaanood(Radiossc.com):-Waraysi
uu dhawaan xildhibaan Cali baashe Maxmuud Siiyey qaybo ka mid ah
warbaahinta Magaalada Laascaanood ayaa hadallo uu ku sheegay
waraysigaasi wuxuu ka cadhaysiiyey qaybo ka mid ah Bulshada
magaalada Laascaanood.
Cali Baashe oo ka
jawaabayey Su’aal ku saabsanayd sababta uu ula siyaasad noqon waayey
Bulshada deegaankan maadama uu yahay xildhibaan iyaga matala, dadka
deegaankanina ay taagersan yihiin Dawladda Federaalkeeda iyo
hoggaanka sare, ayaa waxa uu Cali Baashe sheegay in ay dadka
deegaankani ogayn waxa la kala macaashayo sidaas daraadeedna loo
baahan yahay in la wacyi galiyo, wuxuuna sheegay in beelaha
dhulbahante ay kaga sharaf roon yihiin Dawladda Federaalka dadka la
yaso ee Midgaha.
Hadalladan Cali
Baashe sheegay ayaa waxa ay ka cadhaysiiyeen dadweynaha magaalada
Laascaanood oo ku tilmaamay Cali Baashe nin aan u meel dayin
weedhaha ka soo baxaya afkiisa, isaga oo u ekaaday nin cunsuriyad ku
taamaaya.
Waxaana uu hadalka
Cali Baashe aad uga cadhaysiiiyey Bulshada ku abtirsata beesha
Madhibaan ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, oday kamid ah
odayaasha madhibaanka ayaa u sheegay Radiossc in uu Cali Baashe
haddii uu ku kacsan yahay C/laahi Yuusuf oo ay isu hayaan si gaar ah
in uu dad kale kula galgasho laga qurux badan yahay, nin dhalin yaro
ah oo isaguna ka soo jeeda beeshaasi ayaa ku tilmaamay hadalka
Cali Baashe mid ay cadho madaxmartay ka keentay markii uu waayey
jagadii wasiirnimada ee uu ka rabay dawladda federaalka.
Radiossc.com
Qormadii: Radiossc.com
http://radiolascaanod.com/fullreport.php?sscid=312
|