Waa Yaabe Xaguu ka Yimid Magaca YIBIR.!

 1- Asalka magaca oo ay dad badani ku sifeeyaan HEBREW oo ah magac yasid ah oo quursi ah looguna yeeri jirey dadka aan u dhalan wadanka Falastiin waayadii hore. Macnaha HEBREW maaha YUHUUD sida dad badani moodayaan laakiin waa Soo galooti, Qaxooti, ama qof ka soo talaabay webiga dhiniciisa kale. Waxa la yiraahdaa in Nebi Ibraahim(CS) loogu yeeri jirey HEBREW maadaama uusan u dhalan Falastiin ee uu ka yimid wadanka maanta la yiraahdo Ciraaq. Sidaa daraadeed HEBREW ayaa Yuhuud iyo Carab iyo Ummadda kaleba dhalay ee maaha in magacu uu micnihiisu Yuhuud yahay! Ogow Yuhuud waa hal qabiil oo keliya kana mid ahaa qabiilooyinkii 12-ka ahaa ee ay ka koobnaayeen Bini Israaiil. Hadaba maxaa maanta dhamaantood Yuhuud kawada dhigay ?!

 2-Buur dheer oo ku taala wadanka Imaaraatka ayaa waxaa lagu magacaabaa Buurta Yibraha (Jabal Yibir 1,527m)

 3-Yibareyn oo ah daweyn, dhayid ama tufid. Waxaa la ogsoon yahay marka Yibirka samaanyaha la siiyo in uu ilmuhu xirsi xiran yahay, qardhaasna uu u jaro Yoborku. Haddii loo diidana ilmahaasi sacsac doqon ah buu noqdaa oo waxaa la yiraahdaa Xanfalay baa qaaday. Midda kale Yibirku wuxuu bulshada soomaalideed ugu jirey halka uu dhakhtarku manta ugu jiro, markaa waxaan filayaa halka hadda laytiraahdo “Visito” ayuun baa qaruuntii hore la oran jirey “Yabareyn”

 4- YIBIR waa Qabiilooyin aad u badan oo ka soo tafiirmay dadyow hore oo deganaa koonfurta magaaladii la oran jirey UBAR. Waa la qabsaday oo laga xoog roonaaday waayo maysan lahayn ciidan iyo awood ay isku daafacaan. Qabiilooyinka la deganaa ee la oran jirey Udani waxaa dhaqankooda ka mid ahaa inay siiyaan hadiyad ka farxisa dadka YIBRAHA ah marka uu wiil u dhasho ama aroos uu dhacayo!. Anaguna ilaa maanta waanu isticmaalnaa haddii aanu Soomaali nahay!

  Haddaba akhristow waayo qabiilooyinka lagu magacaabo Udani , ma Qabiilooyinka loogu yeedho manta ADOON miyaa? Magaalada Ubar-se xagey ku taalaa?

  Koley anigu weli ma hubo qabiilooyinka magaca Udani leh lakiin magaalada caanka ah ee aad looga sheekeyn jirey ganacsigeeda, dhismayaasheeda, dahabka iyo qaniimada ooli jirtey ee ku taalay dhulka hadda qalalan ee saxaraha wadanka Cumaan aan wax ka iraahdo.

  Magaaladaasi waxay lahayd dhismayaal sida taalada oo kale u dhaadheer, togag waaweyn oo biya mareen ah, Beero waaweeyn iyo weliba dhirta fooxa oo aad u badan oo dunidoo dhami ay soo raadsan jirtay.

  Nin Mareykan ah oo la yiraahdo Nicholas Clapp oo qolada dhulka qoda ee wax ka baadha ah ayaa isagoo maalin akhriyaya buug ay Giriigii hore qoreen oo ay kaga sheekaynayaan dhulka hadda isku ah Yemen iyo Oman oo waagaas la oran jiray “Carabiyadii Nasiibka badnayd”ayaa waxaa ku soo dhacday fikrad ah inuu waco NASA oo ka codsado inay dayax gacmeedka ku baaraan magaaladan cajiibka ah ee luntay.

  1992 ayaa NASA aqbashay codsigiisii dayaxgacmeedka samada marana u dirtay meeshii dadka reer baadiyaha ahi sheekada ku hayeen in magaaladaashi uu dhulka liqay. Sawirro badan oo lagasoo qaaday ayaa waxaa lala yaabay dhismayaasha bacaadka ka hooseeyaa waaweeynaantooda iyo dooxooyinka iyo jidadka ay lahaan jirtay magaaladaasi.

  Sanooyin markii si taxadar ah loo qodayey kadib baa lootegey wixii dadku ku sheekeysan jireen oo run ah. Waxaa ka yaabisay dadkii wax qodayey sida ay isu keentay sheekooyinka dadka reer guuraaga ah iyo waxa ay meesha ku arkeen!

  Haddaba akhristoow Magaaladani waa magaaladii uu quraamku noogu sheegay Suurada ash-Shura: 131-135, Suratul Fajri: 7 iyo Suurada 89:6-9. Waxaa si fiican aad uga bogan kartaan Suurada HUUD oo idiinka waramaysa wixii Nebigaa iyo dadkiisa dhexmaray.

  Dadku waa reer caad Magaalada quraanku sheegayna waa IRAM oo lahayd dhismooyin iyo taalooyin waaweyn beero iyo hodantinimo sareysa. Kadibna markii ay beeniyeen Nebigii loo soo diray ee HUUD ahaa lagu ciqaabay Duufaan iyo Toornaado socotay 7 habeen iyo 8 maalmood. Duufaantaasi waxay dejisay magaaladaas iyo wixii dulsaarnaa ilaa iyo 12 Mitir, maantani sideedii baa loogu tegey iyadoo saxaraha laga soo saaray!!!!!!

  Haddaba fooxna waanu leenahay oo waa nalagu yaqaanay, Adoon (Udani) dad la yiraahdana waanu leenahay oo la yaso, lana siiyo hadiyado si ilmaha ama arooska ay ugu duceeyaan, waagii horena dhulku sidan ma ahayne wuu ka duwanaa oo waxaa laga yaabaa in ilaa Cumaan iyo Soomaaliya is haysatay. Haddaba maxaa halkaa kasoo bixi kara? waxaan u daayey aqoonyahanada iyo akhristayaasha inay sii wadaan baadhitaankan!!!!!!

  Faahfaahin dheeraad ah iyo sawiro badan oo ku saabsan magaaladan la yaabka leh ka eeg bogagan:

C/Rahman Eelay  eediran@yahoo.com

 

http://www.islamicity.com/
Science/Ubar/

 www.islamicity.com

 http://observe.arc.nasa.gov/
nasa/exhibits/ubar/ubar_0.html

http://www.islamicity.com/
Science/QuranAndScience/
destruction/GeneratedFilesnoframe/
ThePeopleof145AdandUbarthe
AtlantisoftheSands.htm

Contact: webmaster@midgaan.com
Copyright © 2004 midgaan.com

 
 
 
 

,